Ku saabsan Sharciga

Kaddib taariikhdii 1 bisha julaay 2018 Iswiidhan waxa eey leedahay sharci dejin ah dembiyadda isku taga galmada kaas oo ku dhisan rabitaan madaxbannaan. Sharciga waxa uu cadaynayaa in uu qof kasta uu xaq u leeyahay in uu xukumo jirkiisa iyo qaab galmeedkiisa, haddii kale waa dembi.

Galmada ku timaada rabitaanka madaxabannaan micnaheeda waa in uu qof erey ahaan ama dhaqdhaqaaq jir ahaan bixiyaa oggolaansho ah haa oo ah fal galmo. Haddii aad doonaysid in aad isku tag galmo qof la sameysid markaa waa in aad hubsataa haddii qofka kale run ahaantii uu doonayo, tusaale ahaan in la weydiiyo.

Waxaa kaloo xitaa taasi loola jeedaa in uu qofku xaq u leeyahay in uu isbeddelo markasto. Wax micna ahna kuma fadhiso wixii hore u soo dhacay ama qofkii bilaabay. Waa dembi in fal galmo ah lala sii wado qof aanan doonayn.

Fal kasto oo galmo ah waa in uu ahaa mid ah rabitaan madaxbannaan

Oggolaansho haa ah oo ku aadan nooc sugan oo fal galmo ah micnaheedu ma ahan taasi in eey khuseeydo falal kale. Sidaa darteed waa muhiim in aad adiga xaalad kasta oo cusub aad weydiisid ama aad qaab kale ku hubsatid waxa uu qofka kale doonayo. Haddii qof tusaale ahaan uu haa dhahay ama uu tusay in uu qofkaa doonayo galmo dhaka afka ah taasi micnaheedu ma aha qofkaa in uu doonayo xitaa galmo ah xagga siilka ama xagga dabada ah. Qofka waa in uu dhahaa ama uu tusaa in uu doonayo in uu ka qeeyb qaato fal kasta oo cusub oo galmo ah. Taasi waxa eey shaqaysaa iyadoonan loo eegeyn kii bilaabay.

Galmo aan marnaba ahayn rabitaan madaxbannaan

Waxaa jiro xaaladdo markaa oo aanan marnaba loo arki karin in uu qof si madaxbannaani ah uga qeeyb qaadan karo gudaha fal galmo. Xaaladaha soo socda markasta waxaa weeye dembi in fal galmo ah lagu sameeyo qof. Wax micna ahna kuma fadhido in uu qofkaa dhahay ama uu tusay in uu doonayo.

 

  • Jir dil, xoogid ama hanjabaad

Haddii qof uu ka qeeyb qaato fal galmo ah kaas oo u hoggaansamaya cadaadis jir dil ah, xoogid ama hanjabaad darteed. Tusaale waxaa ah haddii dembiilaha uu garaaco ama qofka uu qabto. Tusaale kale waxaa ah haddii qofka dembiilaha ah uu ku hanjabo in uu faafiyo sawiro qaaqaawan oo ah qofka kale.

Ma u baahno in eey noqoto isla qofkii kan ku hawlan xoogida ama hanjabaada iyo kan samaynayo falka galmada si taasi loogu arko dembi ahaan. Tusaale waxaa ah haddii uu qof mid ka iibsado hawlo galmo ah uuna ka qeeyb qaato maadaamaa xoogid ama hanjabaad lagu cadaadiyey ama sababo kale dartood aanan uga qeeyb galeeyn rabitaan madaxbannaan.

 

  • Xaalad gaar ah oo khatara

Haddii qofka dembiilaha ah uu ka faa’iideysto qof kale oo ku jira xaalad gaar ah oo khatara, tusaale ahaan haddii uu qofkaa uu yahay mid cabsan ama daroogeysan yahay, qaba cudur, dhaawac jirka ah ama dhibaatooyin maskaxeed.

Waxa eey noqon kartaa xitaa in uu qof aad iyo aad u cabsanayo. Waxaa tusaale ahaan dhici karo marka eey cabsida badato in xaalada markaa eey cuuryaameeyso qofkii, xaalad la dhaho ’’frozen fright’’.

 

  • Si xun u iscticmaalid ku tiirsanaasho

Haddii qofka dembiilaha ah uu si xun u isticmaalo in qofka kale uu ku jiro xaalad uu ku tiirsan yahay qofka dembiilaha ah. Waxa eey tusaale ahaan noqon kartaa macalim iyo ardey ama qof madax ah iyo qof shaqaalo ah.

Wax ku saabsan dambiga ah kufsi iyo ku xadgudub galmo

Galmo ama falalka galmada oo aanan ahayn rabitaan madaxbannaan waxa eey noqon karaan tusaale ahaan kufsiga iyo ku xadgudubka galmada. Farqiga u dhexeeya labbadda dembi waxa uu ku saabsan yahay nooca galmada ee dhacday.

Dambiga ah kufsi waxaa loola jeedaa in uu qofka dembiilaha ah uu galmo sameeyo ama fal kale oo galmo ah taas oo loo barbardhigi karo galmo lagu sameeyay qof aanan taasi uga qeeyb gelin rabitaan madaxbannaan. Tusaale ahaan waxa eey noqon kartaa xagga siilka-, dabada- ama galmada xagga afka ah. Waxeey kaloo khuseydaa dhexgelinta isticmaalida alaab ama faraha. Kufsi waxa uu noqon karaa xitaa in uu qofka dembiilaha ah iyo qofka dhibanaha ah qeeybahooda jinsiga eey istaabtaan.

Dembiga ah ku xadgudub galmo waxa eey ka hadlaysaa falal galmo oo lagu sameeyay qof aanan rabitaan madaxbannaan uga qeeyb galeen laakiin taas oo aan loo xisaabineyn kufsi ahaan. Tusaale waxaa noqon karo haddii qof uu ku khasbo qof kale in uu siigeeysto ama shakhsi ahaantiisa siigeeysto asigoo taataabanaya qofkii kale. 

Labbo dembi oo cusub

Waxaa sharci dejinta cusub ka mid ah labbo dembi oo cusub: kufsi taxadar la’aan ah iyo ku xadgudub galmo taxadar la’aan ah. Waxa eey khuseydaa mararka uu qof sameeyo fal galmo ah inkasto uu qofkaa ku tuhmayay ama eey aheyd in uu ku tuhmo in uunan qofka kale uunan rabin. Qofkii rabo galmo ayaa sidaa darteed mas’uuliyad ka saaran tahay in uu soo ogaado haddii dhamaan dadka ku lugta leh run ahaantii eey rabaan in eey ka qeeb galaan.

Dembi galmo oo ah meel fog

Kufsi, ku xadgudub galmo iyo dembiyada kale ee galmada waxeey kaloo xitaa ka dhici karaan meel kaa fog, tusaale ahaan xagga qadka telefoonka ama barta internetka. Hal tusaale waxaa ah haddii qof uu ka yeelsiiyo qof kale in uu isku sameeyo falal galmo ah kaamiro horteeda.

Lämna sidan direkt Dölj ditt besök