Ka hadlid wax ku saabsan galmo
Galmo waa in eey ahaataa wax fiican – kahor, gudaheeda iyo kaddiba. Haddii aad rabtid galmo waxa aad u baahntahay sidaa darteed in aad foojigtaanid, aad dhageysatid oo aadna qabatid calaamadaha.
Haddii aadan hubin waxa uu qofka kale doonayo waa in aad weeydiisid si aad u ogaatid in aad xaaladda si sax ah u turjumatay. Ha khiyaasanin. Xaaladda ugu xun ee khiyaasid kugu hogaamin kartaa waa in aad qofka kale wax uunan rabin ku sameysid och sidaa darteedna aad sharaf dishid ama aad dhaawacdid qofka. Markaa adiga xataa waxaa gashay dembi.
Qaab fiican oo aad ku ogaan kartid sida uu qof kale dareemayo waxaa waaye in aad taasi wax ku aadan in aad ka hadashid. Weeydii waxa uu qofka kale uu doonayo iyo waxa uu jecel yahay. Qaab kale waxaa ah in la aqristo dhaqdhaqaaqa jirka, dareenka wejiga laga aqrisan karo iyo habka kala duwidda codka.